SO | EN

SO | EN

Baarlamaanka Soomaaliya oo fawdo isu bedelay kadib markii hadal lasiiyay xildhibaan

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Kulan baarlamaan oo ka socday Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa fowdo ku dhamaaday maanta kadib markii xildhibaan ka socda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed la casuumay inuu ka hadlo, balse ay soo kala dhex galeen xildhibaanno kale.

Xildhibaanka Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciiro) ayaa qorsheeyay inuu ka hadlo cabasho ku saabsan safarkiisii saaka ee loo diiday inuu ku aado magaalada Baydhabo, taasoo ay hor istaagtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), hase yeeshee kahor inta aanu hadlin ayaa xildhibaanno kale qabsadeen minbarka, taasoo dhalisay fowdo ka dhex dhacday fadhiga baarlamaanka.

Markii xildhibaanka uu u soo dhaqaaqay makrafoonka, xildhibaanno kale ayaa si kedis ah u qabsaday goobta, taasoo abuurtay buuq iyo is qabqabsi ka dhex dhashay baarlamaanka. Fowdadaas ayaa keentay in la isku eedeeyo oo ay xildhibaanno qaarkood si kulul isugu khilaafaan, taasoo keentay in kulankii la hakiyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dadaalayay inuu dib ugu soo celiyo kala dambeynta fadhiga, iyadoo xiisadda ay weli taagan tahay, taasoo muujinaysa kala qeybsanaan sii xumaanaysa oo ku saabsan khilaafka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maamulka Koonfur Galbeed u dhexeeya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News