Baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in kooram la’aan uu ku ansixiyay dastuur u ogolaanaya Xasan Sheekh muddo kordhin

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Shalay oo Arbaco ahayd, waxaa baarlamaanka Soomaaliya la geeyay nuqulka dastuur cusub oo waayadan uu riixaayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo muddo hal sano uu ku kordhisanaayo madaxweynaha.

Inkastoo sharciga iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka uu dhigaayo in kulamada labada aqal ee Baarlamaanka – oo ka kooban Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare – looga baahan yahay labo meelood oo saddex inay soo xaadiraan, ayaa haddana waxaa la waayay tiro ku filan oo xildhibaanada labada aqal ah.

Sida xogta ugu danbeysa ee tirada baarlamaanka joogtay ay muujineyso, waxaa kulankii shalay ka maqnaa illaa 132 xildhibaan, sida ay maanta baahiyeen xildhibaanada mucaaradka ah oo diidan bedelidda dastuurka.

Xildhibaanada maqan ayaa lagu sheegay in dhan yihiin 20 Aqalka Sare ah iyo 112 Aqalka Hoose, kuwaas oo dhammaantood diidan wax ka beddelka dastuurka.

Waxaa mudanayaasha maqan ku jiray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur [Madoobe] oo kulanka guddoomiyay uu sheegay in xildhibaanada qaar ay ku soo codeeyeen hab online ah, inkasta oo xeer hoosaadka baarlamaanka uu dhigaayo oo kaliya saddex hab oo laga doonaayo xildhibaanka inuu xaadir yahay marka codeyn ay dhacayso.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa ku xayirnaa hotel ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaas oo muddo afar maalmood ay ku xayirnaayeen, ka dib markii loo diiday safar diyaaradeed oo ay Garowe ugu socdaali lahaayeen Axaddii markaas oo hawada laga soo celiyay.

Waxaa jira eedeymo ah in dad aan xildhibaano ahayn ay kulanka joogeen, kana codeeyeen sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday Baarlamaanka.

Waxaa jira eedeymo ah in dad aan xildhibaano ahayn ay kulanka joogeen, kana codeeyeen sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday Baarlamaanka.
Waxaa jira eedeymo ah in dad aan xildhibaano ahayn ay kulanka joogeen, kana codeeyeen sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday Baarlamaanka.

Labo ka mid ah culimada sida weyn u taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la arkay iyagoo gacmaha sare u taagaya xilli ay codeynta gacan taagga ah socotay.

DASTUURKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkan riixaayay meelmarinta dastuur cusub oo uu sheegay inuu yahay wax ka bedelka dastuurkii KMG ee Soomaaliya ku dhaqmeysay tan iyo 2012.

Dastuurka cusub ayaa u ogolaanaya madaxweynaha muddo sannad dheeraad ah iyadoo halkii afarta sano ee dowladda loo bedelay shan sano.

Waqti xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku eg 15ka May 2026, waxaana dhinacyada mucaaradka ay sheegeen inaysan aqbali doonin muddo kordhin ka danbeysa 15ka May taas oo laga yaabo inay horseedo qalalaase siyaasadeed.

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa cambaareeyay bedelidda dastuurka, waxayna sheegeen inay aqoonsan yihiin oo kaliya dastuurkii KMG ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ku tilmaamay tallaabada bedelidda dastuurka mid taariikhi ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News