Xildhibaanada ku bahoobay Baarlamaanka Xorta ee Soomaaliya ayaa soo saar war saxaafadeed ay ku diidan yihiin guddi doorasho oo uu sameeyay golaha Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday kaas oo sida la sheegay abaabuli doona doorashada afhayeenka cusub ee Baarlamaanka.
Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waqtigiisu dhamaaday bishii Abrril 2026, waxaana afhayeenkiibaarlamaanka Aadan Madoobe uu noqday hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed ka dib duullaanki ay Dowladda Federaalka ku qaaday Baydhabo.
Haddaba waxaa dhowaan soo shaac baxay in Villa Soomaaliya ay dooneyso inay afhayeenka Baarlamaanka ka dhigto Cabduqaadir Maxamed Nuur “Jaamac” oo hadda ah wasiirka dekedaha, ahna nin ku xiran Turkida siday iluhu sheegayaan.
War saxaafadeedka hoose ayay soo saareen Xildhibaanada ku bahoobay Baarlamaanka Xorta ee Soomaaliya.
Ujeedo: Magacaabis Guddi sharci daro ah ee Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday u magacaabay doorashada gudoon cusub:
Xildhibaanada Baarlamaanka xorta ah, markay arkeen waraqada sumadeedu tahay Ref:XGGSH/670/B11/26 kuna taariikhaysan 02/08/2026, ujeedkeeduna yahay magacaabis guddi doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, kana soo baxday xafiiska kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday, ahna Gudoomiye ku xigeenka xisbiga JSP
Hadaba, anagoo ogsoon in mudo xikeedkii Baarlamaankii 1laad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliyeed uu dhamaaday 14/04/2026, halka kii xukuumada xilgaarsiinta ahna mudo xileedkeedi dhamaaday 15/05/2026, ayna ku guul daraysatay in ay qabato doorasho heshiis lagu yahay oo ka dhacda wadanka, maanta oo la joogona dhamaan hay’adaha dowladu aanay haysan wax sharciyad ah, yihiina xil-gaadhsiiyayaal.
Hadaba, waxa ayaan daro ah in Baarlamaan iyo xukuumad aan sharciyad haysan ay magacaabaan guddiyo ka tirsan xisbiga JSP, oo looga dan leeyahay in ay qabanqaabiyaan doorashada Gudoomiye cusub. Halkii ay Soomali isu keeni lahaayeen, badbaadin lahaayeen wadanka iyo wadajirkiisa, qaban lahaayeen doorasho la isla ogol yahay oo ku dhacda wakhtigeeda. Waxay ku mashquuleen kala dirka, burburinta dhamaan shuruucdii Soomali ku heshiisay, ku tagrifal awoodeed iyo burburinta nidaamkii Federaalka ah.
Ugu dambayn, wxaaan uga digaynaa Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday in ay hormood u noqdaan kala qaybinta bulshada iyo wadanka, talaabooyinkan ay qaadayaana saldhig u noqon sii kala fogaanshiiyaha iyo burburka dowlanimadii mudadad dheer la soo yagleelayey.


