Muqdisho (KAAB TV) – Bacaha oo si aan habboonayn loogu tuuro meel kasta ayaa keenta inay saameyso deegaanka, kuwaasoo ugu dambayn xitaa ay keento in ay u dhintaan duur-joogta waxayna sidoo kale ay keentaa wasakh badan.
Soomaaliya muddo dheer waxaa dhibaato ku hayey bacaha iyo balaastigga. Haddaba dhibaatada bacaha ay u leeyihiin deegaanka intee le’eg tahay.
Dawladda Soomaaliya ayaa soo saartay dhawaan amar ay dalka uga mamnuucayso isticmaalaka bacaha halka mar la adeegsado ee aadka ugu badan Soomaaliya.
Mohamed Cukaasha oo ah agaasimaha Machadka Cimilada Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho ayaa Kaab Somali TV u sheegay in ka hor bacaha , dadka Soomaaliyeed ay isticmaali jireen saladaha taas oo waxba aan u dhiman deegaanka.
Isticmaalka saladaha ayuu sheegay Cukaash ee xilligan in ay yarayn karto isticmaalka bacaha oo deegaanka u keeni karta dhibaato ba’an.