Muqdisho (Kaab TV) –Bahda Waxbarashada gobolka Banaadir ayaa si adag udiiday taxane cusub oo loogu magac daray ARDAY kaasi oo saddex maalin kahor baahintiisa uu bilaabay Teleshfinka Bile.
Barnaamijkan oo lagu duubay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si cad udiiday Bahda Waxbarashada gobolka Banaadir taas oo ay sabab uga dhigeen in uu filim-kan uu gudbinayo anshax xumo ka dhan magaca loo isticmaalayo ee ARDAY.
Waxa ay sheegeen in filim-kan uu duullaan kuyahay diinta iyo dhaqanka suuban waxa ay tilmaameen in khatar ay kadhalan karto filim-kan bulshadana ay ka feejignaadaan anshax xumada filim-kan.
Taxanahan ayaa Khamiistii si rasmi ah loo bilaabay ilaa hada kama aysan hadlin Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya, sida muuqata doodaan ayaa ku dambeyn doonta Shirkada soo saartay filim-kan iyo bahda Waxbarshada.
Waxay ku doodeen in taxanahaan lagu magacaabo ARDAY uu banaanka keenayo dhibaatooyinka ka dhex dhaca marxalada Ardeydnimo ee Soomaaliya, islamarkaana uu qeyb ka yahay wacyi-gelinta iyo soo bandhigista marxaladaha dalka ka jira oo qaab sheeko-faneed ah.