Muqdisho (Kaab TV) –Banaan-baxyo culus oo maanta ka dhacay maagalada Muqdisho kaas oo lagu taageerayo qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee uu kula dagaalamyo maan-dooriyaha ayaa galabta ka dhacay Muqdisho.
Banaan-baxan ayaa waxaa dhigay qaar kamid ah dhalinyarta kunool gobolka Banaadir ayaga oo cod dheer kula hadlay Warbaahinta in maamulka gobolka Banaadir ay ku garab taagan yihiin qorshaha suulinta daroogada.
Dhalinyartaan dhigeysay banaan-baxa ayaa isugu tagay fagaaraha daljirka daahsoon ee degmada Boondheere halkaas oo ay kula hadleen Warbaahinta.
Dhalinyartaan ayaa codsatay in dekedda iyo garoonka laga joojiyo soo dejinta maandooriyaha sida Taabuu, iyo wixii lamidka ah ayuu yiri mid kamid ah banaan-baxayaashii galabta.
Dhanka kale dhalinyartaan ayaa bogaadisay go’aankii maamulka gobolka Banaadir oo ah suulinta maandooriyaha.