Gaalkacyo (Baraarug) – Dood cilmiyeed ay soo qabanqaabisay Baraarug ayaa diiradda lagu saaray kaalinta haweenka, dhallinyarada iyo warbaahinta ee xallinta iyo joojinta colaadaha ka jira gobolka Mudug.
Doodda waxaa ka qeyb galay qeybaha ay arrintani si gaar ah u khuseyso, oo ay ka mid yihiin haweenka koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, dadka barakacayaasha ah, naafada, iyo xubno ka socday warbaahinta maxalliga ah.

