KISMAAYO (Kaab TV) – Hal abuurka dalka gudihiisa ah oo aan sidii la rabay u shaqeynin iyadoo y jiraan caqabado badan ayaa sabab looga dhigay shaqo la’aanta baahsan ee ay wajahayaan dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed.
Arrintan ayaa looga dooday dood dhowaan ay Baraarug ku qabatay magaalada Kismaayo ee Jubaland.
Waxaa barnaamijka doodda ka hadlay qeybaha bulshada, sida dhallinyarada, haweenka, odayaasha iyo dadka barakacayaasha.
Waxaa sidoo kale ka qeyb galay agaasimaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jubaland, Cabdullaahi Caweer.