SO | EN

SO | EN

Baraarug Podcast 17: Ciribtirka Gudniinka Fircooniga ee Soomaaliya

|

MUQDISHO (Baraarug) – Qaybta 17aad ee Baraarug Podcast ayaa diiradda saareysa arrin halis ah oo saameyn ballaaran ku leh gabdhaha Soomaaliyeed: Ciribtirka Gudniinka Fircooniga iyo dhowrista xuquuqda iyo badqabka caafimaadka jireed iyo maskaxeed ee gabdhaha Soomaaliyeed.

Soo saaraha podcast-ka, Anfac Aden Abdi, ayaa toddobaadkan wareysi gaar ah la yeelatay Ifrah Ahmed, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha hay’adda Ifrah Foundation.

Ifrah waxay si qoto dheer uga hadashay dhibaatada ba’an ee gudniinka fircooniga uu ku hayo gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed – dhinacyada caafimaad, maskax, iyo xuquuqeedba.

Waxa ay xustay in maamulka Galmudug yahay maamulkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee sharci kasoo saara mamnuucidda gudniinka.

Inkastoo dadaallo socdaan, haddana guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa wali si baahsan loogu dhaqmaa gudniinka gabdhaha.

Podcast-kan sidoo kale wuxuu dhageystayaasha la wadaagayaa wareysiyo ay la yeesheen:

  • Haween lagu sameeyay gudniinka,
  • Umuliso dhaqameed hore u fulin jirtay gudniinka,
  • Iyo culimo ka hadashay aragtida diinta Islaamka ee ku aaddan arrinta gudniinka.

Dhageysi wacan!

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News