SO | EN

SO | EN

Baraarug Podcast 18: Amniga iyo Badqabka Internetka ee Suxufiyiinta Soomaaliya

|

MUQDISHO (Baraarug) – Soomaaliya waa dal ay warbaahintu door muhiim ah ka ciyaarto, gaar ahaan marka laga hadlayo wacyigelinta bulshada, gudbinta wararka gudaha dalka, iyo iftiiminta dhacdooyinka la xiriira amniga, ku xadgudubyada xuquuqda muwaadiniinta, iyo kashifidda musuqmaasuqa.

Si kastaba ha ahaatee, suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay wajahaan caqabado badan – kuwaas oo ay kamid yihiin hanjabaado dijitaal ah, xarig, cabsi gelin, iyo weerarro toos ah oo uga yimaada dowladda iyo kooxaha hubeysan ee sida Al-Shabaab.

Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha ugu khatarta badan ee suxufiyiin ka howlgalaan. Sida uu shaaciyay Guddiga Caalamiga ah ee Difaaca Suxufiyiinta (CPJ), in ka badan 85 suxufi ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo 1992, xilligaas oo CPJ ay billowday diiwaangelinta dilalka suxufiyiinta.

Ciidamada dowladda – gaar ahaan laamaha nabadsugidda iyo booliska – iyo sidoo kale kooxaha hubeysan ee sida tooska ah u bartilmaameedsada wariyeyaasha ayaa kaalin mug leh ku leh weerarrada.

Maamul xumo, isla xisaabtan la’aan, iyo garsoor daciif ah ayaa sababay in dhacdooyin khatar ah ay saameeyaan suxufiyiin badan, qaarna ay dantu ku qasabto in ay dalka ka cararaan.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, warbixintii uu soo saaray Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Warbaahinta sanadkan 2025, wuxuu ku sheegay in intii u dhexeysay Jannaayo ilaa Abriil 2025, ay sare u kaceen weerarada lagula kacayo suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta ee Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaa afarta bilood ee ugu horreysay 2025 la xiray ugu yaraan 46 suxufi.

Sidoo kale, sanadkan waxaa la dilay hal wariye oo ah Maxamed Abuukar Dabaashe, kaas oo ku dhintay qarax ay Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho 18-kii Maarso.

Suxufiyiinta oo u guuray Facebook, TikTok, iyo YouTube

Iyadoo ay jiraan caqabado saameynaya xarumaha warbaahinta, ayaa suxufiyiin badan u wareegay baraha bulshada si ay u sii wataan shaqadooda.

Warbaahinta sida Facebook, TikTok, iyo YouTube ayaa noqday aaladaha ugu muhiimsan ee ay adeegsadaan, waxaana sii kordhaya dadweynaha internet-ka kala socdo wararka iyo falanqaynta dhacdooyinka gudaha.

Laakiin nasiib darro, xitaa baraha bulshada hadda ma ahan meel sugan oo amni ah. Waxaa si joogto ah loo beegsadaa suxufiyiinta, waxaana la jabsadaa ama la xayiraa akoonnadooda, halka mararka qaarna magacyadooda iyo sawirradooda laga abuuro akoonno been abuur ah oo lagu faafiyo warar khaldan, si loogu waxyeeleeyo sumcaddooda.

Weerarrada dhanka internetka ma saameeyaan suxufiyiinta oo keliya, balse sidoo kale waxay ku dhacaan dadka dhaliila dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

Qeybtan 18aad ee Baraarug Podcast waxaan kaga hadleynaa halista weerarada internetka ee ay la kulmaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo dadka kale ee fikradahooda cabbira. Waxaan is weydiinaynaa:

  •  Sidee loo yarayn karaa halista weerarada dijitaalka ah?
  • Maxaa la gudboon suxufiyiinta si ay u ilaashadaan amnigooda dhanka internetka?

Marti noogu ah barnaamijkan waa Abdifatah Mohamed Ali, madaxa hay’adda Digital Shelter, oo ka shaqeysa arrimaha badqabka dhijitaalka ah. Abdifatah wuxuu faahfaahin ka bixiyay daraasad cusub oo ay hay’addu ka sameysay saddexda arrimood ee ugu halista badan ee ay suxufiyiinta la kulmaan:

  1. Hanjabaadaha tooska ah ee online-ka,
  2. Jabsiga xogta gaarka ah iyo qalabka shaqada,
  3. Isticmaalka magacyada iyo sawirradooda si loo abuuro akoonno been abuur ah.

Abdifatah wuxuu sidoo kale la wadaagay talooyin muhiim ah oo ku saabsan sida suxufiyiinta, dadka u dooda xuquuqda aadanaha, iyo gaar ahaan haweenka, ay si amni ah ugu adeegsan karaan internetka.

Intaa waxaa dheer, waxaan la hadalnay qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee dhowaan la kulmay weerarro dhanka internetka ah, kuwaas oo aan weydiinnay waayo-aragnimadooda iyo talooyinka ay la wadaagi karaan weriyayaasha kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News