Ku soo dhowaada Baraarug Podcast! 🎙️🎙
Xalqadan 9-aad, wuxuu ku saabsan yahay Mabaadii’da Islaamka ee Xuquuqda Muwaadiniinta iyo waxyaabaha ay diinta Islaamka naga barayso xuquuqda aadanaha.
Martida Baraarug toddobaadkan waa Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan), oo ah bare sare iyo xubin ka tirsan guddiga maamulka jaamacadda Muqdisho. Dr. Liibaan wuxuu sidoo kale xubin ka yahay Golaha Culimada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, barnaamijka waxaa nagala qeybgalaya Sheekh Cabdullaahi Axmed Garruun, oo ka mid ah culimada Muqdisho.
Waan soo dhaweynaynaa fikirkiina iyo talooyinkaaga! @Baraarugsom