SO | EN

SO | EN

Bardaalle oo ay ka taagan tahay khilaaf xaga maamulka ah

|

Bardaale (KAAB  )  Degmada Bardaalle ee gobolka Baay waxa ka taagan khilaaf  gacan ka  hadal ah oo la xiriira awoodda maamulka ee degmadaas sida ay sheegeen – masuuliyiin halkaas ku sugan.

Gacan ka  hadalkan waxaa ku geeriyooday in ka badan 4 – qof halka tiro  10 kale ay ku dhawacmeen oo u badan dhinacyada  isku haya  maamulka degmada Bardaalle ee gobolka Baay.

Maxamed Isaaq oo ah guddoomiyaha degmada Bardaale oo hoggaaminayey garab ka mid ah ciidamadii dagaalamay ayaa sheegay in koox caraqaladaysan hanaanka maamulka qas ay ka wadaan degmada isla markaana ay iska  difaaceen.

Dhanka kale Cabdi Madoobe Mursal oo hoggaaminaya ciidanka dagaalka la galay maamulka degmada Bardaale ayaa sheegay in maamulka Bardaale ay ka dhistay wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed uusan aqoonsaneyn.

Maamulka koonfur Galbeed ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in wax kaga qabto dhibaatada maamulka ee ka taagan degmada Bardaalle ee gobolka Baay.

Inkastoo xiisada wali ay taagan tahay hadana lama oga sida ay wax isku bedeli doonaan maalmaha soo socda.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News