Muqdisho (KAAB ) – Magaalada Muqdisho waddooyin ka mid ah waxa wali ka jira cariiri xoogaan oo la xiriira gadiidka kala duwan ee dhax mushaaxaya waddooyinka caasimadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo ka hadlayay goob ay ku dhamadeen dad shacab ah isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho ka dib shil gaari oo sababay gaari xamaali ah ayaa waxa uu soo saaray go’aan adag.
Madaalle ayaa sheegay in xilliga maalintaa waddooyinka caasimadda aan lagu arki karin gadiidka xamuulka ah ee ka soo sharacda Dekada magaalada Muqdisho taas bedelkeedana habeenkii ay socon karaan si shilalka loo yeereeyo.
Saacada uun ka dib amarka Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa la arkayaa gadiid xamuul ah oo shil ku galay waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho taas oo ku tusinaysa in aan wali dhaqan galin go’aanka Madaalle.
Maamulka gobolka Banaadir ayaana marar badan horey usoo saaray amaro laab lakac ah oo xaalado sababeen, kuwaa oo qaar badan oo kamid ah aysan shaqeyn , halka kuwa kalana maalmo kooban kaliya la hirgaliyay.