Garoowe (KAAB ) Magaalada Garoowe ee Puntland waxaa ka soconaysa , qaban-qabaada la xiriirta doorashada Guddoonka Barlamaanka maamulkaas , waxaana inta badan xaadir ah xubnaha Barlamaanka.
Ilaa afar musharax ayaa u tartamaya xilka guddoomiyaha baarlamaanka, lix qof ayaa u taagan guddoomiye ku xiigeenka koowaad halka afar ay u taaganyihiin xilka guddoomiye ku xiigeenka labaad.
Wariyayaasha ayaa soo sheegaya , in saacadaha soo socda ee maanta si rasmi ah ay u dhici doonto , si loo guda galo doorashada madaxwaynaha marka la gaaro 8-da January sida uu qorshuhu yahay.
Inkastoo uu khilaaf siyaasadeed taaganyahay, hadana waxaa la filayaa in doorashada guddoonka baarlamaanka ay u dhacdo si hufan.
Doorashadan waxaa bar bar socota khilaafyada kale ee arrimaha doorashooyinka kuwaas oo qaarkood wax xal ah wali laga gaarin.