Baydhabo (KAAB ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , waxaa lagu wadaa in lagu qabto shirka madasah wada- tashiga Qaran ee madaxda Dowladda iyo maamul- goboleedyada dalka
Shirkan waxaa lagu wadaa in diirada lagu saaro sii ambaqaadida qodobadii ka soo baxay shirkii kan ka horeeyay ee ay wada- gaareen xubnaha madasha wada-tashiga qaran.
Inta badan madaxda ayaa xaadiri doonta shirkan waxaana shir guddoomin doona Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud
Qaban qaabada shirkan ayaa ka jira magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , halkaas oo maamulka Koonfur Galbeed uu diirada saarayo sugida sida ay sheegeen saraakiil halkaas ku sugan.
Madaxwayaasha maamulka Goboleedyada , sida Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor , Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe , kan Jubbaland , Axmed Maxamed islaam Madoobe ayaa xaadir ahaan doona shirkan.
Lama oga sida uu ugu qayb gali doono shirka Madaxwaynaha Puntland Saciid deni oo xog la helay ay sheegayso inuu diiday ka qayb galka shirka tabasho badan uu uu ka qabo Dowladda Federaalka darteeda
Gaba gabada shirka ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo dhawr ah oo la xiriira xaaladda dalka , iyo waliba iskaashiga maamul goboleedyada ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.