Muqdisho (Kaab TV)– Odayaal ka kala socday beelaha Irir-samaale ee Dir iyo Hawiye ayaa ku shiray magaalada Muqdisho, waxayna soo saareen bayaan culus oo ay digniin ugu dirayaan beelaha Digil iyo Mirifle.
Dhanka kale madaxweynaha K/Galbeed ayey ugu baaqeen in uu joojiyo qorshaha dagaal ee uu kawado magaalada Baraawe, si uu ubarakiciyo dadka kasoo jeedo Irir-samaale.
“In Koonfur Galbeed aysan marnaba rabin in Baraawe lagu wada noolaado waxaan daliil u ah, Dir ama Hawiye waxay maamulkaas ku leeyihiin madaxweyne ku xigeen, maamul aan madaxweyne ku xigeen laheyn ma jiro, balse kan waxaa loogu diiday in Irir-samaale uu wax ku yeesho,” ayuu yiri Suldaan Cabdullahi Cali Geedi.
Suldaanka Cabdullahi ayaa madaxweynaha K/Galbeed ugu goondiyay ciidanka uu keenay Baraawe, in uu kasaaro hadii kale lagu leyn doono, siduu uu hadalka udhigaye.
Sidoo kale waxey odayaashaan sheegeen, hadii saamiga ey kuleeyihiin Irir-Samaale maamulka K/Galbeed laga siin waayo, in ey kajari doonan eyna kadari doonan gobolka Banaadir.
Caaqil Cabdullaahi Xalane Dhuxulow, “Ciidan meel daggan oo ciidan la dul-dajiyey wali lama arag, waxaan caddeyneynaa haddii xurmo la waayey oo xishood dhamaaday, waxaan ku dhameyneynaa ninba tabartii, ninba taagti.” ayuu yiri caaqil Cabdullahi.
“Waxaa nasiib darro ah in maanta nala yiraahdo waxaa la idinka saarayaa Sh/Hoose, xukuumadda Muqdisho waxaan u sheegeynaa in Siinkadheer ilaa Kuunyabarow wixii ka dhacay ay masuuliyadeeda qaadi doonto K/Galbeed.