GAROWE (Kaab TV) – Beelaha gobolka Nugaal ku nool ayaa dhowaan magaalada Garowe ku soo gabagabeeyay shir lagu dhaqangaliyay xeer cusub oo la xiriira amniga, nabadda iyo horumarinta beelaha gobolka Nugaal.
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdullaahi Saciid Aw-Yuusuf ayaa Kaab TV uga warramay xererka cusub.
Cabdullaahi wuxuu sheegay in inkastoo beelaha deegaanada Puntland ay ku hoos nool yihiin maamulka dowladda Puntland, haddana ay jireen dhacdooyin dilal qabiil ku saleysan oo dhexmara qabiillada.
Wuxuu sheegay in dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada ay fadhi yeesheen ka dibna muddo 9 bilood ah ay wadeen diyaarinta xeerka cusub.
Waxaa wada tashiga ka qeybgalay culimada, dhaqanka, dhallinyarada iyo siyaasiyiinta.
Horey waxaa u jiray xeerar badan oo beelaha Soomaalidu leeyihiin, balse Cabdullaahi Saciid Aw-Yuusuf ayaa Kaab TV u sheegay in xeerka beelaha Nugaal uu yahay mid ay si wadajir ugu wada guntadeen dowladda iyo qabaa’ilka si loogu horumariyo nabadda iyo amniga.
Waxaa xeerkan oo hadda la daabacayo loo qeybin doonaa odayaal dhaqameedka oo iyagu ku dhaqmi doona markay ukala gar naqayaan beelaha.
Waxyaabaha ku jira xeerka ayaa ah in qisaas dil lagu fuliyo dadka dilka geysta, waxaana xeerka sal looga dhigay Shareecada Islaamka.
Sidoo kale kiisaska kufsiga, iyo isbaarada hubeysan ayaa laga soo saaray qodobbo adag.
Arrimaha qoyska
Xeerka ayaa sidoo kale lagu daray arrinta guurka oo qaali noqday, waxaana xeerku sheegayaa in waalidiintu kaalin ku yeeshaan inaan guurka lamanaaha aan qaali laga dhigin oo lacago badan lagu kala qaadanin.
Waxaa sidoo kale xeerku farayaa in haddii gabar xaas ay ka carooto reerkeeda dib loogu soo celiyo ninkeeda oo taasi ay tahay waajib saaran qoyska haweeneyda.

