BAYDHABO (Baraarug) – Baydhabo oo ah magaalo ku tiirsan Beeraha, waxay hadda la daalaa-dhacaysaa caqabado culus oo saameyn xooggan ku yeeshay wax-soosaarka beeraha. Biyo la’aanta ba’an, helitaan la’aanta agabka lagama maarmaanka ah, iyo tabar yari dhinaca kheyraadka ayaa caqabad ku noqday beeraleyda.
Tani waxay saameysay kobaca wax-soosaarka iyo horumarinta nolosha beeraleyda deegaanka.
Haddaba, maxaa lagu xallin karaa dhibaatooyinkan si loo horumariyo wax-soosaarka beeraha magaalada Baydhabo?
Si arrintan wax looga ogaado, Baraarug ayaa la hadashay qaar kamid ah beeraleyda ku nool Baydhabo, kuwaasoo si qoto dheer nooga warramay xaaladda dhabta ah ee ay wajahayaan iyo baahiyaha ay qabaan. #baraarug