KISMAAYO (Kaab TV) – Xaliimo Cali Maxamed waxay ku noolayd xeryaha qaxootiga ee Kenya muddo 30 sano ah. Ka hor intii aanay dagaallada sokeeye ka dhicin Soomaaliya, qoyskeedu waxay ahaayeen beeraley Soomaaliyeed.
Xaliimo, seygeeda iyo afarta carruurtood waxay muddo dheer ku noolaayeen xeryaha qaxootiga ee Kenya. Laakiin sanadkii 2018, iyada oo ay dhiiragalisay degganaanshihii muuqday ee koonfurta Soomaaliya, waxay go’aansatay inay ku laabato magaaladii ay ku dhalatay—Kismaayo.
Soo laabashadeeda waxay ku beegantay sannado kadib markii ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika (AMISOM), ay sanadkii 2012 ka xoreeyeen Kismaayo kooxda Al-Shabaab, iyaga oo la kaashanaya xoogagga Raas Kambooni ee hadda loo yaqaan Jubbaland.
Tani waxay fursad siisay dib u furista garoonka diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo, waxaana bilaabmay in dadkii qaxootiga ahaa ay ku soo laabtaan magaaladooda, ganacsiyaduna ay dib u soo noolaadaan.
Xaliimo, oo ah hooyo leh afar carruur ah, waxay heshay kaalmo dib u dejin ah oo ay bixiyeen maamuilka Jubaland iyo hay’ado maxalli ah.
Laakiin iyadu waxay lahayd riyo kale. Waxay bilawday indha-indheyn fursadaha bannaan ee magaalada ka jira. Intii ay la socotay dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada, waxay ogaatay in Jubaland aysan ka jirin beer digaag.
“Waxaan aragnay in Jubaland oo dhan aysan ka jirin beer digaag. Ukunta iyo hilibka digaagga waxaa laga keenaa Kenya iyo waddamo kale,” ayey tiri Xaliimo oo u warrantay Kaab TV.
Ukunta digaagga Soomaaliya ay soo dhoofsato
Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay soo dejinta ukunta iyo hilibka digaagga ee ka yimaada dalal ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya, iyo waddamo kale.
Tusaale ahaan, sanadkii 2018, Soomaaliya waxay kasoo dhoofisay digaag qiimihiisu dhan yahay $119,000 Itoobiya, $21,500 Belgium, iyo $2,160 Kenya. Sanadkii 2023, waxa la diiwaangeliyey in Soomaaliya ay soo dejisay ukumo guri oo qiimahoodu ahaa $6.2 milyan oo ka yimid Turkiga, $175,000 Hindiya, $79,400 Imaaraadka Carabta, iyo $3,730 Kenya.
Fursaddan ay aragtay darteed, Halima waxay kaashatay 20 dumar ah, waxayna ka bilaabeen beer digaag oo yar oo qol dhexdiisa laga furay, iyagoo ku bilaabay haweenkii oo mid kasta ay keentay 100 digaag.
Balse dhibaato ayaa durba timid—digaaggii qaar baa bilaabay inay dhintaan sababo la xiriira aqoon la’aan ku saabsan daryeelkooda.
Markaas ayay Xaliimo iyo haweenkii kale la xiriireen hay’ad maxalli ah oo la yiraahdo SWSO, taas oo siisay tababar ku saabsan sida loo quudiyo, loo nadiifiyo, loogana hortago cudurrada digaagga. Tababarkaas wuxuu badbaadiyey mashruucooda.
Maanta, beerta digaagga ee Xaliimo waxay siisaa cuntooyin badan oo digaag ah macaamiisha gudaha ee Kismaayo.
“Macaamiisheena waxay kala yihiin foornooyinka, xaafadaha iyo dadka u shaqeeya hay’adaha oo jecel inay iibsadaan ukunta digaagga la xannaaneeyay ee caafimaadka qaba,” ayey tiri.
“Haa faa’iido way leedahay,” ayey sii raacisay hadalkeeda.
Laakiin caqabad cusub oo culus ayaa hadda hor taagan: daawooyinka tallaalka digaagga oo u baahan qaboojin iyo daryeel gaar ah.
Xaliimo waxay ka keentaa tallaalka Nairobi, Kenya—laakiin waxay u baahan yihiin in si degdeg ah loo isticmaalo iyadoo la ilaalinayo heerkulka qaboojinta.
Dhowaan, dowladda federaalka Soomaaliya waxay joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay Kismaayo iyo Nairobi, iyadoo amartay in dhammaan duulimaadyada maraan Muqdisho.
Tani waxay sababtay in daawooyinkii digaagga Xaliimo loo daayo garoonka Muqdisho maalmo badan, taasoo keentay in qaboojintii ay jabto. Markii la isticmaalay, tallaalka xumaaday wuxuu sababay dhimashada in ka badan 900 oo digaag.
“Way adag tahay in 900 digaag ah oo aad lacag gelisay ay hal mar kaa le’daan. Waa khasaare aad u culus,” ayey ku catawday Xaliimo.
Xaliimo weli waxay la tiicaysaa khasaarahaa. Waxay leedahay hal farriin oo keliya oo ay u dirayso dowladda federaalka: in ay furto diyaaradaha tooska ah ee ka xayiran Kismaayo.
“Anagu shacab ayaan nahay, oo masaakiin ah. Waxaan codsan lahaa in naloo furo diyaaradaha,” ayeuy tiri Xaliimo.