SO | EN

SO | EN

Beesha Caalamka oo war cusub ka soo Saartay doorashooyinka Somaliland.

|

Hargaysa (KAAB )- Madaxwaynaha Somaliland  Muuse Biix Cabdi ayaa maalmo ka hor saxiixay sharciga doorashada Somaliland  ka dib  buuq badan oo ka jiray ,   hanaanka doorashada

Dalalka saxiibada la ah Soomaaliya ee siiya taageerada oo isha ku hayay doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray , war qoraal oo wadajir ah oo ay uga hadlayeen doorashooyinka.

Waddamada  Ingiriiska, Denmark, Finland, Norway iyo Sweden, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dhammaystirka xeerarka doorashooyinka Somaliland.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen dalalka  beesha caalamka ee taageerta Dimuqraadiyadda Somaliland,  ayaa daboolka ka qaaday in saxeexa xeerarka doorashooyinku ay yihiin  tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhaqan dimuqraadiyadeedka Somaliland.

“Waxaanu u aragnaa saxeexa xeerka doorashooyinku inay tahay dib u xaqiijinta ka go’naanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas.

Waxa kale oo ay ku booriyeen in dhammaan daneeyayaasha doorashooyinku ay wada jir u xaqiijiyaan inay u dhan yihiin sidii doorasho xor iyo xalaal ahi uga qabsoomi lahayd Somaliland waqtigii loo cayimay ee 13ka November 2024ka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News