SO | EN

Beesha Gorgaarte oo ka hadashay dadkii looga xasuuqa Shabeellaha Hoose

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Ehelada dadkii diyaaradaha Turkidu ku xasuuqeen tuulada Baqdaad, gobolka Shabeellaha Hoose oo ka soo jeeda beesha Gorgaarte ayaa ka hadlay dhibaatada soo gaartay dadkooda rayidka ah.

Shir saxaafadeed ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen inay ka xun yihiin falka lagu laayey dad rayid ah oo gaaraya 23 ruux oo isugu jira haween, waayeel iyo carruur.

Weerarka oo ay fuliyeen diyaaradaha is-wada ee Turkey ayaa dhacay 18 March, 2024.

Hay’adda Amnesty International oo warbixin kasoo saartay weerarkan ayaa ku tilmaantay inay dhacdada u dhigmi karto ‘dembi dagaal’ ayna mudan tahay in baaritaan lagu sameeyo.

Ehelada ka hadlay Muqdisho waxay ayideen warbixinta Amnesty International, waxayna cambaareyn u jeediyeen Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo shakhsiyaad ka tirsan ay dilka dadka rayidka ku sifeeyeen “waxba kama jiraan”.

Ehelada waxay sheegeen in afar maalin ka dib dhacdada uu u yeeray Taliyihii hore ee NISA, Mahad Salaad, oo uga tacsiyeeyay weerarka, dowladdana ay ka warqabto dhacdada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News