Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay bannaanbax ay ka qeybgaleen boqolaal qof, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo hoggaamiyeyaal dhaqameed, kaas oo looga soo horjeeday maamulka Hirshabeelle iyo hanaanka loo maray doorashadii hoggaanka maamulkaasi ee ka dhacday magaalada Jowhar.
Dibadbaxan ayaa waxaa ka qeybgalay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macallin (Ciid), Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo boqolaal shacab ah.
Dadka bannaanbaxa ka qeybgalay ayaa muujiyay diidmada ay ka qabaan hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, iyagoo sheegay in go’aannada siyaasadeed ee saameynaya gobolka Hiiraan ay tahay in lagala tashado bulshada deegaanka, laguna saleeyo rabitaanka dadka ku nool gobolka.
Bannaanbaxan ayaa imaanaya xilli xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka Hiiraan iyo maamulka Hirshabeelle ay sii xoogeysaneyso, kaddib doorashadii 24-kii October ka dhacday magaalada Jowhar.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dadweynaha kula hadlayay bannaanka Isbitaalka Guud ee gobolka Hiiraan ayaa khudbad uu jeediyay ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada bulshada iyo in laga shaqeeyo nabadgelyada gobolka.
Ugaaska ayaa sheegay in dhalinyaro Soomaaliyeed ay horey door weyn uga qaateen badbaadinta dalka, isagoo bulshada ku boorriyay inay markale mideeyaan dadaalkooda, kana shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaato kasta oo soo wajahda shacabka.
Wuxuu yiri: “Sidaad la socotaan 13 dhalinyaro ah ayaa badbaadiyay dalkan, waxaa la rabaa in Soomaaliya iyo Hiiraan annaga oo wada dhan oo kuwii hore ka badan aan badbaadino. Jidkii shalay aan furnay dib ugu noqon meyno, kuwa naga maqan iyaga imaan doona. Aan ka shaqeyno midnimada, nabadgelyada, aan ka hortagno wax kasta oo dhibaato ku ah bulshada.”
Hadalkan ayaa muujinaya sida hoggaanka dhaqanka ee Hiiraan uu arrinta siyaasadeed ugu xirayo midnimada bulshada iyo mustaqbalka gobolka. Ugaaska ayaa sidoo kale horey ugu dhawaaqay in la qaban doono shirar wadatashi ah oo ay ka qeybgalayaan beelaha dega Hiiraan, si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed iyo cabashooyinka jira.
Xildhibaan Ciid oo sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo dhibaato ku ah bulshada
Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macallin (Ciid) ayaa isaguna khudbad ka jeediyay bannaanbaxa, isagoo sheegay in cid kasta oo lagu eedeeyo inay dhibaato ku heyso shacabka gobolka Hiiraan lala xisaabtami doono.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka gobolka ay xaq u leeyihiin inay doortaan cidda maamuleysa, isla markaana aysan aqbali karin in mustaqbalkooda siyaasadeed lagu go’aamiyo hannaan aysan qeyb ka ahayn.
Wuxuu yiri: “Gobolka idinka iska leh, in qof caado qaata inuu mustaqbalkiina ku dheelo looma dulqaadan karo. Howshan markay naga dhamaato qof kasta oo dhibaato ku haya dadkan waa lala xisaabtami doonaa. Iyagoo caafimaad qaba hadda ha naga tagaan, haddii kale waa iska celin doonaa, dadkana maamul iyaga ay leeyihiin ayay dhisan doonaan.”
Hadallada noocan ah ayaa muujinaya heerka ay gaartay xiisadda siyaasadeed ee Beledweyne, iyadoo dhinacyada isku haya maamulka iyo matalaadda gobolka ay weli isku mari la’yihiin hannaan lagu xalliyo khilaafka.
Xildhibaan Cabdinaasir oo dowladda ugu baaqay inay dhegeysato cabashooyinka Hiiraan
Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay dhegeysato aragtida iyo cabashooyinka dadka gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in haddii aan xal laga gaarin tabashooyinka jira ay xaaladdu gaari karto meel ka adag tan hadda taagan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in shacabka Hiiraan ay door weyn ku lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, balse ay dareemayaan in aan laga jawaabin xuquuqda iyo adeegyada ay mudnaanta u lahaayeen.
Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday xarumo iyo kaabayaal bulsho oo uu sheegay in ay waxyeello ka soo gaartay qaraxyadii iyo dagaalladii ka dhacay gobolka, kuwaas oo sida uu sheegay aan weli dib loo dhisin.
Hadalkiisa ayaa qeyb ka ah baaqyada ay siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka u jeedinayaan Dowladda Federaalka, iyagoo doonaya in cabashooyinka Hiiraan loo wajaho hannaan siyaasadeed oo wada-tashi ku dhisan.
Sanbaloolshe oo soo jeediyay in shacabka Hiiraan codkooda lagu go’aamiyo hoggaanka Hirshabeelle
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo horey u soo noqday agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa bannaanbaxa ka jeediyay hadal uu ku dalbaday in dadka ku nool Hiiraan la siiyo fursad ay codkooda ku muujiyaan cidda hoggaamineysa Hirshabeelle.
Sanbaloolshe ayaa soo jeediyay in afti dadweyne loo qaado arrinta hoggaanka maamulka, isagoo ku dooday in rabitaanka bulshada deegaanka uu muhiim u yahay go’aannada siyaasadeed ee saameynaya mustaqbalkooda.
Wuxuu tusaale u soo qaatay aftidii Brexit ee Britain, isagoo sheegay in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ay tahay inay ixtiraamaan go’aanka shacabka.
Sanbaloolshe ayaa sidoo kale sheegay in mowqifkoodu uusan ahayn mid lagu burburinayo hay’adaha dowladnimada, balse ay doonayaan hannaan maamul oo ku dhisan rabitaanka bulshada iyo wadatashi.
Wuxuu ku adkeeyay in tallaabooyinka ay qaadeen ay yihiin kuwo nabadeed, isla markaana ay doonayaan in hadafkooda lagu gaaro dulqaad, tanaasul iyo wada-hadal.
Xiisadda hadda ka taagan Beledweyne ayaa salka ku haysa doorashadii hoggaanka Hirshabeelle ee 24-kii October ka dhacday magaalada Jowhar, taas oo dib loogu doortay Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) inuu noqdo Madaxweynaha maamulka, halka Cabdifataax Xasan Afrax loo doortay Madaxweyne ku-xigeen.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Hiiraan ayaa diiday natiijada doorashada, iyagoo ku doodaya in aan si ku filan loogala tashan bulshada gobolka, isla markaana aan la xallin tabashooyinka la xiriira matalaadda siyaasadeed iyo awood-qeybsiga.
Dhanka kale, maamulka Hirshabeelle wuxuu leeyahay hay’ado iyo hoggaan lagu soo doortay hannaan siyaasadeed oo ka dhacay Jowhar. Khilaafka jira ayaa sidaas darteed noqday mid ku saabsan sharciyadda iyo aqbalaadda siyaasadeed ee doorashada, matalaadda bulshada iyo xiriirka gobolka Hiiraan la leeyahay maamulka dhexe ee Hirshabeelle.
Odayaasha iyo siyaasiyiinta diidan natiijada doorashada ayaa ku baaqaya shir ballaaran oo ay ka qeybgalayaan dhammaan beelaha gobolka, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan mustaqbalka Hiiraan.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa horey ugu dhawaaqay in magaalada Beledweyne lagu qaban doono shirar wadatashi ah oo ay ka qeybgalayaan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, culimada, aqoonyahannada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.
Shirarkaasi ayaa la doonayaa in lagu falanqeeyo xaaladda siyaasadeed, amniga, matalaadda beelaha iyo xiriirka Hiiraan la leeyahay maamulka Hirshabeelle.
War-saxaafadeed hore oo ay soo saareen odayaal iyo waxgarad ayaa sidoo kale ku baaqay in la qabto shir loo dhan yahay, kaas oo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo ay qeyb ka yihiin dhammaan beelaha dega gobolka.
Odayaashu waxay sheegeen in go’aannada saameynaya Hiiraan aysan ku koobnaan karin hal dhinac ama koox siyaasadeed, balse loo baahan yahay wadatashi ballaaran. Waxay sidoo kale ku baaqeen in dibadbaxyada lagu muujiyo mowqifka bulshada ay ahaadaan kuwo nabadeed oo aan waxyeello u geysan hantida guud iyo tan gaarka ah.
Khilaafka ka taagan Hiiraan wuxuu leeyahay dhinac amni oo aan la iska indho tiri karin. Maalmihii ka horreeyay bannaanbaxa waxaa jiray hadallo iyo baaqyo la xiriiray ciidamada amniga ee gobolka, iyadoo Ugaas Yuusuf uu 7-dii November ugu baaqay ciidamada ka soo jeeda Hiiraan inay Beledweyne isugu yimaadaan, kana fogaadaan in loo adeegsado iska horimaad ka dhan ah bulshada deegaanka.
Baaqaas ayaa yimid xilli ay jireen warar ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo is-horfadhi u dhexeeyay maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamo la xiriiray dhinacyada isku haya hoggaanka Hirshabeelle. Faahfaahinta qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyadaas si madax-bannaan looma xaqiijin.
Waxaa sidoo kale walaac laga muujinayaa in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho wada-shaqeynta ciidamada dowladda iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama gobolka Hiiraan uu ka mid yahay meelaha muhiimka u ah howlgallada amniga ee bartamaha Soomaaliya.
Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in dhinacyada siyaasadeed ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaad hubeysan, isla markaana ay ciidamada amniga ka ilaaliyaan loollanka siyaasadeed.
Bannaanbaxa Beledweyne wuxuu cadaadis siyaasadeed saaraya Dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo laga doonayo inay jawaab ka bixiyaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Hiiraan.
Dowladda Federaalka waxaa horyaalla su’aalo la xiriira sida ay u wajahayso khilaafka, halka maamulka Hirshabeelle laga sugayo inuu muujiyo diyaar u ahaanshaha wadahadalka iyo in la helo hannaan ay qeyb ka noqdaan dadka diidan natiijada doorashada.
Dhanka kale, hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta Hiiraan waxaa laga doonayaa inay caddeeyaan qaabka ay u doonayaan in tabashooyinka lagu xalliyo, iyo sida loo xaqiijin karo in dadaallada siyaasadeed aysan isu beddelin kala qeybsanaan bulsho ama iska horimaad.
Ugu dambeyn, xiisadda Beledweyne waxay noqotay mid ka mid ah caqabadaha siyaasadeed ee ugu waaweyn ee horyaalla Hirshabeelle, iyadoo mustaqbalka khilaafkan uu ku xirnaan doono sida ay dhinacyadu uga jawaabaan baaqyada wadatashiga iyo xal raadinta.

