Muqdisho (KAAB)- Maalinta beri oo Arbaca ah waxaa lagu wadaa in Maxkamada gobolka Banaadir ay u fariisato kiiska nin lagu eedayay inuu gubay xaaskiisa.
Kiiskan oo ah mid aad loo sugayo go’aanka ka soo bixi doona ayaa lagu wadaa in Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir uu ku dhaawaqo go’aanka lamase oga nooca uu noqon doono.
Warqad ka soo baxday todobaadkan ayaa Maxkamadu waxay sheegtay in maalinta beri oo Arbaca ah ay tahay marka lagu dhawaaqayo kiiska Sayid Cali Macalin Da’uud.
Eedeysanahan ayaa loo haystaa inuu gubay xaaskiisa isla markaana uu ka baxday magaalada Muqdisho hase ahaatee laamaha amniga ay gacanta ku soo dhigeen.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa Maxkamadeynta kiiskaan iyo go’aanka Maxkamaddu ka gaari doonto si weyn indhaha ugu wada haayo, maadama kiiskaan uu ahaa mid ay ka wada argagaxeen dadka Soomaaliyeed.
Si kastaba , waxaa wali la aasin meydka Luul Cabdicasiis oo uu ku jiro Firinjeer, kadib markii qoyskeeda ay sheegeen inaan la aasi doonin Luul Cabdicasiis ilaa ay cadaalad ka hesho.