Baledweyne (KAAB TV)- Ugu yaraan 300 oo neef oo ari ah ayaa ku dhintay kadib markii ay biriq ku dhacday gobolka Hiiraan , sida ay u sheegeen warbaahinta dadka deegaanka .
biriqda ayaa ku dhacday deegaanka Teedaan oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas, kadib roobab mahiigaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay gobolka Hiiraan.
Milkiilaha Xoolaha Cali Cabdi Amiin oo loo yaqaano Cali Afeey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in biriqda ay ku dishay ariga hal xero, islamarkaana aysan jirin cid ka badbaaday xoolihiisa.
“ Xerada waxaa ku sugnaa 300 oo neef oo ari ah, xoolihii ay biriqda ku dishay dhammaan waxay ku sugnaayeen hal xero, waxaana ku talo jirnay in aan u guurno tuulooyin kale oo roobka da’ay, maadaama aan hadda ka soo baxnay jiilaal, roobku wuxuu bilowday sagaalkii habeenimo. , ka dibna biriqda ayaa ku dhacday xeradii riyaha, dhammaanteen waan baqtiyeen,” ayuu yiri.
Cali Afey oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in nolosha saddex qoys oo tiradoodu dhan tahay 40 qof ay ku tiirsan tahay xoolaha nool, isla markaana aysan hadda qoyskaasi waxba u harin.
“Laba qoys ayaa dagan aniga iyo wiilkayga, ma haysanno xoolo kale oo aan ka ahayn ariga dhintay geel iyo lo’ midna ma haysanin, waxaan la noolnahay ari, laakiin arigii hadda waa la waayay” ayuu yiri. Cali Cabdi Amiin Cali Afey.
Daadad ka dhashay El Nino oo billowday bishii Agoosto ee la soo dhaafay ayaa barakiciyay 1.2 milyan oo qof, waxaana hadda dalka ka billowday xilli roobaadkii Gu’ga ee bilaha April iyo June.