BAYDHABO (Kaab TV) – Degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo ay ka mid yihiin Burhakaba, Rabdhure, iyo Wanla-Weyn, ayaa wajahaya biyo yari daran oo halis gelisay nolasha dadka iyo xoolaha, sida uu sheegay Wasaaradda Biyaha iyo Macdanta ee Koonfur Galbeed.
Agaasimaha Maareynta Biyaha ee wasaaradda, Liban Aw-Khalif, ayaa u sheegay Kaab TV in dadka ku nool meelaha ugu daran ay bilaabeen inay barakacaan sababo la xiriira biyo la’aanta.
“Burhakaba waa mid ka mid ah meelaha sida ba’an u saameysay, hal foosto oo biyo ahna waxa lagu iibiyaa in ka badan $7—taasoo ka baxsan awoodda dad badan,” ayuu yiri.
Biyo la’aantan ayaa imaneysa xilli Soomaaliya weli ka bogsaneyso saameynta abaar culus oo soo jiitamaysay intii u dhaxeysay 2020–2023, iyo fatahaado waaweyn oo dhacay dabayaaqadii 2023 iyo bartamihii 2024.
Haddana, khubaradu waxay ka digayaan in waddanku markale wajahayo abaar dheer oo kale.
Warbixin ay bishii Janaayo soo saareen hay’adaha gargaarka ee QM ayaa xustay in saameynta isdaba-joogga ah ee cimiladu, oo wehliya colaadaha daba-dheeraaday, saboolnimada baahsan, iyo caqabadaha dhanka maamulka, ay daciifiyeen awoodda dadka ee inay la tacaalaan dhibaatooyinka, kordhisay ku tiirsanaanta gargaarka, islamarkaana wiiqday adkeysigooda.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in isbedelka cimiladu uu sii kordhin doono dhibaatada biyo la’aanta, hoos u dhigi doono wax-soosaarka dhanka beeraha, islamarkaana kor u qaadi doono khatarta fatahaadaha marka la gaaro 2030.
Sida uu sheegay Agaasime Aw-Khalif, tirakoobka wasaaradda ayaa muujinaya in in ka badan 70 ceel oo wasaaraddu la socoto biyahooda ay badi biyo yareeyeen.
“Meelo badan oo ka mid ah Koonfur Galbeed ma leh wax ceelal ah, laakiin ceelasha aan la socono intooda badan biyahoodii waa gabaabsi, taasina waxay sababtay rajo beel hor leh oo soo wajahday dadka,” ayuu yiri.
Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan magaalooyinka Aato iyo Yeed, ayaa dadka biyo raadiska ah waxay u tallaabayaan dhanka Itoobiya, halkaasoo biyaha lagu iibiyo sicir aad u sarreeya.
Mas’uuliyiintu waxay ka digayaan in haddii xaaladda roob la’aantu sii socoto ay horseedi karto masiibo bini’aadannimo oo ba’an, iyadoo dadka barakacaya ay sii kordhayaan, xoolihii ay le’een, wax-soosaarka beeraleydana uu hoos u dhacay.
Dhibaatadan waxaa sii xoojiyay amni-darrada ka jirta qeybo badan oo Koonfur Galbeed ah, halkaas oo Al-Shabaab ay weli khatar weyn ku hayaan dadka, ayada oo ay jiraan colaad beeleedyo hor leh oo sii adkeeyay xaaladda nololeed ee bulshada.