Hargeisa (KAAB TV) – Ciidanka boliiska maamulka Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo burcad ahaa kuwaas oo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen dil loogeystay nin Daroowal ah oo lagu magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, war kasoo baxay Taliska ciidanka boliiska maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer kadib gacanta kusoo dhigeen labo nin oo burcad ahaa oo dil laga naxay ugeystay nin Daroowal ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xasan Dacar.
Dhanka kale, Maxamuud Xasan Dacar oo ahaa Daroowal Taksiile ayaa waxaa lagu soo waramayaa in burcadan ey kudhufteen 9 mindiyood iyagoo dilka marxuumka kadib kaqaatay wixii uu watay oo mobile iyo agab kale.
Booliiska ayaana kiiskan dilka ah usoo xiray Xamse Cabdi Saleebaan iyo Ayaanle Muxumed Xaashi, raggan ayaa sidoo kale lagu helay in dad kale horey dhaawacyo iyo dhibaatooyin kalaba ugu geesteen.
Taliska booliisa Somaliland ayaa sheegay in raggan gacan ku dhiiglayaasha ah si deg deg ah sharciga loo horgeyn doono si loogu qaado ciqaabta dambiga ay galeen, waxa ayna taksiilayaasha uga digeen in ay iska hubiyaan dadka ay qaadayaan.