Hargeysa (KAAB TV) – War- saxaafadeed kasoo baxay taliska Booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in ay ka war heleen in dad ujeeddooyin kala duwan leh ay baraha bulshada ka wadaan dhaqdhaqaaqyo abaabulaya dibad-baxyo ka dhan ah qiime kordhinta ay qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga internetka soo rogeen.
“Iyadoo laga duulayo waajibaadka sharci ee ka saaran ilaalinta amniga, Booliska Somaliland waxa uu muwaadiniinta xusuusinayaa in xeerarka dalka ay si cad u nidaamiyeen dibad-baxyada dadweynaha, kuwaas oo shuruud ahaan u baahan ogolaansho rasmi ah oo ay bixiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga” ayaa lagu yiri warka booliiska kasoo baxay.
Sidoo kale, Warka ay soo saareen booliiska Somaliland ayaa lasii raaciyay ”Sidaas darteed, si loo ilaaliyo amniga guud iyo badqabka hantida muwaadiniinta, lama oggolaan doono wax nooc kasta oo dibad-bax ah oo aan haysan fasax qoraal ah oo ka yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga”
Dhanka kale, Booliiska Somaliland ayaa muwaadiniinta ku wargeliyay in hay’adaha xukuumadda ee khuseeya arrinta qiime kordhinta ay soo saari doonaan war rasmi ah oo ku aadan xaaladan soo korortay.
Taliska Boolisku waxa uu mar labaad ugu baaqayaa dhammaan muwaadiniinta Somaliland in ay u hoggaansamaan shuruucda dalka, isla markaana ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo kala dambeynta.
Sikastaba, Booliiska Somaliland ayaa caddeeyay shakhsiyaadka ku hawlan dhaqdhaqaaqyads ka hor imanaya shuruucda dalka in tallaabo sharci ah laga qaadi doono haddii aanay ka waantoobin falalkaa ay ku jiraan.

