BOOKH (KAAB TV) – Wararka u danbeeya ee ka imaanaya degmada Bookh ee xuduudda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa sheegaya in saaka ciidamo aad u hubeysan oo Puntland ka socda ay la soo wareegeen saddex gaari oo kuwa xamuulka qaada oo hub kasoo tallaabiyay dhanka Ethiopia.
Hubkaas oo la sheegayo inay leedahay Dawladda Puntland, ayaa shalay ay waddada u galeen maleeshiyaadka Soomaali ah oo is urursaday.
Maleeshiyaadka ayaa la sheegay inay dhanka Buuhoodle iyo deegaano u dhow Bookh iska soo urursadeen.
Is rasaaseyn kooban ayaa xalay ka dhex dhacday ciidanka Liyu booliska ee dowlad deegaanka Soomaalida oo ku sugnaa xerada ciidamada iyo maleeshiyaadka Soomaalida oo doonayey inay hubka xoog ku qaataan.
Wararka ayaa hadda sheegaya in hubka iyo gaadiidka siday ay si nabad ku soo galeen gacanka ciidanka Dowladda Puntland.
Ma jirto wax wax ah oo kasoo baxay Puntland ama dhanka Ethiopia.