MUQDISHO (KAAB TV) – Askar ka tirsan ciidanka Booliska ee magaalada Muqdisho oo loo qabanayey seminar ayaa qarka u saran inay iska kala tagaan goobta seminaarka ka dib markii sida ay noo sheegeen ay gaajoodeen, lacagtii loogu talagalayna la lunsaday.
Seminaarka oo bilawday 5tii July 2023 ayaa lagu waday inuu soo gabagaboobo 5ta September. Waxaana soo qabanqaabisay hay’adda EUCAP ee Midowga Yurub.
Saraakiil ka tirsan booliska oo magacyadooda aan qarinay ayaa noo xaqiijiyay in 38 xubnood oo ka kala socda waaxyaha booliska la isugu keenay seminaarka, loona sheegay in maalinkii ay heli doonaan lacag dhan $10 oo ay bixineyso hay’adda EUCAP. Balse hadda oo bil iyo 10 maalmood ay qaadanayeen seminaarka illaa hadda aan la siinin wax lacag ah.
Seminarka ayaa askarta waxaa u furay Taliye ku Xigeenka Booliska Cismaan Maxamed Cabdullaahi Kaniif. Waxaana cinwaanka tababarka uu ahaa barista booliska habka isticmaalka kumbuyuutarka iyo arkifiyada.
Furitaankii tababarka ayaa askarta loo sheegay inay heli doonaan lacag $10 oo ay qado ka dhigtaan, lagana saxiixay liis muujinaya lacagta ay qaadanayaan.
Tani ayaa qeyb ka ah dhacdooyinka musuqmaasuqa ee had iyo jeer lagu dhaco xuquuqda askarta dableyda ah ee ka tirsan booliska, kuwaasoo mararka qaarkood aan awoodin inay ka hadlaan xuquuqdooda maqan.