SO | EN

SO | EN

Booliiska gobolka Banaadir oo xiray Agaasime Wasaaradeed

|

Muqdisho (Kaab TV)– Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in lasoo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdullaahi Maxamed Cali.

“Taliska booliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa maanta iyada oo la dhowrayo Sareynta Sharciga, Waaran maxkamadeed ku soo xiray eedeysane Cabdulaahi Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Booliska uu sheegay in la xiray ayaa waxaa loo haysta eedeyn culus oo la xiriirta musuq-maasuq sida lagu sheegay qoraalka.

Qof kasta oo masuul dowlo ah ama shacab ah waxaan uga digaynaa musuq-maasuq, waxaan ula dagaalami doonaa si adag, nagamana fakan doono,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hasayeeshee, dowladda ayaa qorsheynaysa inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq, iyada oo dhawaan Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News