Mudug (KAAB TV) –Ciidanka Booliiska degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Xasan Aadan, oo lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisa, Samsam Maxamed Xaashi, kadib muran qoys oo dhex maray.
Taliska Booliiska gobolka Mudug ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay gudaha magaalada Goldogob, isla markaana ciidamada booliiska ay si dhaqso ah uga jawaabeen dhacdada, taas oo horseeday in lagu guuleysto qabashada eedeysanaha.
Sida uu sheegay Taliska, ninka la qabtay ayaa hadda ku xiran saldhigga booliiska degmada, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loola tiigsado.
“Ciidanka Booliska Gobalka mudug gaar ahaan Saldhigga Booliska -degmada goldogob ayaa gacanta kusoodhigay eedaysane Faarax Xasan Aadan oo ku eedaysan dilka Marxuumad Samsam Maxamed Xaashi oo ahayd xaaskiisa
Waxaa la horgeyndoonaa Maxakamadda Awooda uleh” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.
Haweeneyda la dilay ee Samsam ayaa heysatay toddobo carruur ah oo ay u dhashay ninka toogtay.

