SO | EN

SO | EN

Booliiska Muqdisho oo weerar Barakicin ah ku bilaabay Shacabka deggan Xaafadda Bangaariyada.

|

MUQDISHO-Booliska Soomaaliya ayaa saakay barakicin ku bilaabay shacabka deggan xaafadda Bangaariyada oo ah dhulkii “Bankiga Dhexe” oo ku yaalla Xaafadda Buula-Xuubay degmada Wadajir ee Muqdisho.Sawiro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa mujinaya Booliska Muqdisho oo dibadda u soosaaray

qoysaska deggan xaafaddaasi iyo ashyaada kale ee ugu jiray dhismaha guryaha,  Iyada oo aanan dadkan shacabka ah la siinin digniin iyo waqti ay ku baneeyaan guryahan oo ah hanti-daweyne .

Booliiska Mqudisho oo gaadiidja dagaal ku hubeysan ayaa saakay aroortii ku jarmaaday dadkan shacabka ah waxaana la hordhigay ciidan amar ka heysta Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, illo-wareedyo  lagu kalsoonyahay ayaa Kaab TV u  xaqiijiyay in dhulkan loo baneenayo xaaska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed ,kuwaasi oo doonaya in ay maalgashtaan dhulkan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News