Qardho (Kaab TV) -War kasoo baxay Taliska Booliiska Magaalada Qardho ayaa lagu sheegay in gacan adag ay ku qabanayaan Dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaalla Walxaha Maankadooriya oo horseeday falal amni liddiga ku ah sida hadalka loo dhigay.
Taliyaha qaybta Booliiska Karkaar, Gaashaanle Dhexe Bashiir Maxamed Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadka qaar ee isticmaalla maandooriyaha ay rasaas ku furaan Gaadiidka iyo goobaha ay ku kulmaan Bulshada.
Gaashaanle Dhexe Bashiir Maxamed ayaa intaas ku daray in Dhibaatada kale ay laga diiwaangeliyay Dadka isticmaalla Walxaha maankadooriya ay tahay in xiliyada habeenkii ay Gawaarida ka daaraan heeso codkoodu sarreeyo oo Dadka dhibaato ku qabaan.
Laamaha ammaanka Magaalada Qardho ayaa la faray in ay tallaab ka qaadaan goobaha lagu iibiyo walxaha maankadooriya iyo Dadka Isticmaalla, halka Maxkamad la horgaynayo Shaqsiyaad gacanta ciidamada Amniga ku jira.

