MUQDISHO (KAAB TV) -Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa habeenkii Jimcaha soo bandhigay Sawirada iyo Magacyada labo Eedeysane oo lagu eedeeyay inay Muqdisho ku dileen Caamir Ismaaciil Cali oo 25-jir ahaa, kaasi oo lagu dilay magaalada Muqdisho 14-kii Feberaayo, 2025-ka.
Eedeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Sadaam Cumar C/samad iyo C/saaq Cali Maxamed Aflow, waxaana la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan gudaha caasimadda.
Booliska ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10,000 oo dollar dul dhigay ciddii keenta xog kasta oo tuhmanayaasha soo xidha.
“Qof kasta oo keena xog gacan ka geysanaysa soo qabashada shaqsiyaadkan waxa uu heli doonaa abaalmarin dhan $10,000,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Maamulka ayaa wacad ku maray in ay cadaalada horgeyn doonaan eedaysanayaasha inta uu baaritaanku socdo.