MUQDISHO (KAAb TV) -Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa digniin u diray ciidamada ammaanka in hubkooda ay u dhiibaan ama gacanta u geliyaan Dadka shacabka gaar ahaan dhallinyarada isaga duubta muuqaallada ay galiyaan baraha Bulshada.
Macallin Mahdi ayaa tilmaamay in askari weliba oo sidaas sameeya la horgayn doonno Maxkamad si loogu qaado kiiskaas maadaama uu ku dhaqaaqay waxyaabo sababi kara in amni darro dhacdo iyo mas’uuliyad darro.
“Ciidanka Booliska waxay uga digayaan dhammaan askarta inaysan hubkooda u dhiibin dadka rayidka ah, sidoo kale shacabku uusan hub ku ciyaari karin, muuqaalo halis gelinaya bulshada aan lagu duubi karin, Qof kasta oo lagu helo fal noocaas ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciyeed oo adag” Sidaasi waxaa yiri Macallin Mahdi, Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir.
Hadalkaan waxa uu daba socday kaddib markii Taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu xiray Askari qorigiisa u dhiibay dhallinyaro ku sugnayd Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo muuqaallo ay isaga duubeen soo dhigeen baraha Bulshada iyada oo ugu dambayn lala xiray qof shacab ah.
Hay’adaha ammaanka ee Caasimadda ayaa muddo todobaad ah ku xiray Dad u badan Dhallinyaro oo ku eedaysan falal liddi ku ah Amniga Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo Jimcihii hore ka billowday tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

