SO | EN

SO | EN

Talyaaniga oo bilaabay hawlgalo lagula dagaalamaayo Maafiyada Cosa Nostra

|

Palermo (KAAB TV) – Booliska dalka Talyaaniga ayaa bilaabay howlgal ballaaran oo lagu sifeynaayo Maafiyada Sicilain ee magaalada Palermo, iyagoo soo saaray amarro xarig ah oo lagu soo qabanayo 183 qof oo lala xiriirinayo kooxaha Cosa Nostra.

Sidoo kale, ku dhowaad 1,200 oo askari ayaa fulinaayo howlgalkan, taasi oo qeyb ka ah howlgalkan ayaana kusii fiday magaalooyinka kale ee dalkaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay booliska Palermo.

Dadka lasoo qab qabtay ayaa ku eedeeysan dambiyo ay ka mid yihiin ku lug lahaanshaha urur dambiyeedyo nooca Maafiyada ah, isku day dil, baad, ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo qabashada khamaarka sharci-darrada ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale, lagu sheegay in howlgalka uu ujuedkiisu yahay in lagu burburiyo shabakadaha Maafiyada ee magaalada Palermo iyo nawaaxigeeda.

Baaritaanka ayaa muujiyay baaxadda ka ganacsiga mukhaadaraadka ee kooxaha Maafiyada, iyo sida hoggaamiyeyaashu ugu diraan amarrada gudaha xabsiyada iyagoo adeegsanaya taleefannada gacanta ee sirta ah, sida uu qoray wargeyska Corriere della Sera.

Kooxda, Ndrangheta ayaa loo arkaa Maafiyada ugu hantida badan uguna awoodda badan Talyaaniga, iyadoo si weyn ugu lug leh ka ganacsiga mukhaadaraadka, gaar ahaan maamulka inta badan kookaynta soo gala Yurub.

Sidoo kale, Cosa Nostra weli waxay saameyn xooggan ku dhex leedahay maamulada dadweynaha ee maxalliga ah iyo ganacsiyada, iyadoo xiriirro firfircoon la leh dibadda.

Sikastaba, maafiyada Sicilian ee loo yaqaan Cosa Nostra, oo dhiirrigelisay filimada The Godfather, ayaa sanado badan argagax gelinayey shacabka iyo dawladda Talyaaniga, iyagoo gaystay dilal caan ah oo ay ka mid yihiin garsoorayaashii ka hortagga Maafiyada ee Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino oo la dilay 1992-kii.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News