HARGEYSA (Kaab TV) – Ciidanka booliska magaalada Hargeysa ayaa xiray Maxamed Andar oo ka mid ah suxufiyiinta warbaahinta online-ka ee ka hawlgala magaalada Hargeysa.
Qof ay wada shaqeeyaan Wariye Andar ayaa Kaab TV u sheegay in wariyaha lagu xiray xarunta ciidanka dembi baarista booliska ee Hargeysa.
Illaa hadda lama sheegin sababta loo xiray wariye Andar.
Tan iyo markii uu yimid Madaxweyne Cirro, waxaa gudaha Somaliland kordhay xarigga suxufiyiinta Somaliland.
Ururrada warbaahinta ayaa sheegay in tobankii bilood ee sannadkan ay kiisaska xarigga wariyaashusi xawli ah sare ugu keceen gudaha Somaliland, taas oo abuurtay walaac ku aaddan heerka xorriyadda warbaahinta ee Somaliland.

