SO | EN

SO | EN

Booliska Jubaland maxay ka yiraahdeen dagaalka Kismaayo

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubaland, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, ayaa ka hadlay shaqaaqo kooban oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaad hubeysan oo maanta ka dhacay Kismaayo, kaas oo dhexmaray booliska deegaanka iyo koox hubeysan.

Afhayeenka booliska ayaa sheegay in rag hubeysan oo saarnaa gaari ay isku dayeen in ay abuuraan khatar amni, balse la joojiyay.

Wuxuu ku booriyay dhammaan bulshada inay isdejiyaan oo ay nabadda ilaaliyaan.

Waxaa la aaminsan yahay in kooxda hubeysan uu hoggaaminayay sarkaal hore oo boolis ah, kaas oo la sheegay inuu u dhaqaaqayay dano ay wataan xildhibaanno federaal ah oo fadhigoodu yahay Muqdisho, kuwaas oo isku dayaya inay carqaladeeyaan hanaanka doorashada Jubaland ee socda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News