Booliska Jubaland oo hawlgal lagu qabtay maandooriye ka sameeyay Dhoobley

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Ciidamada Booliska Jubaland ee degmada Dhoobley ayaa sameeyay hawlgallo lagu baacsanayo dadka ka ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, kuwaas oo laga fuliyay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha, halka sidoo kale la qabtay qaar ka mid ah dadka isticmaalayay. Ciidamada ayaa sheegay in ay heleen maandooriye kala duwan oo ay ka mid yihiin xashiish, khamri iyo walxo kale oo la mid ah, kuwaas oo ay wateen dadka la qabtay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay weli ku raad joogaan qaar ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga maandooriyaha, kuwaas oo baxsad ku jira.

Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay ciidamada ammaanku ku xoojinayaan la dagaallanka maandooriyaha iyo ka hortagga saameynta uu ku leeyahay bulshada, iyadoo la doonayo in la yareeyo dhibaatooyinka caafimaad, amni iyo bulsho ee ka dhasha isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News