SO | EN

SO | EN

Booliska Kenya oo Sheegay inay qabteen Muwaadiniin Kenya ah oo ku biirtay ciidamada Soomaaliya

|

Kenya (KAAB TV) -Booliska Kenya ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Labo nin oo Kenyan ah oo u soo tallaabay dhanka Soomaaliya, kana mid noqday ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Khamiistii lasoo dhaafay sida lagu daabacay Jariidada The Star ee kasoo baxda dalkaasi Kenya.

Jariidada ayaa tilmaamtay in Booliska ayaa sheegay in labadaan ruux lagu soo qabtay iyagoo falal liddi ku ah ammaanka iyo badbaadada hantida Bulshada kuguda jiray kadib markii ay xog buuxa ay ka heleen shacabka degaanka.

Saraakiisha Howlgalkaan hogaamineysay ayaa sheegay in lagu soo ogaayo dacwad ah in iyagoo muwaadiniin Kenyan ah ku biireen ciidan shisheeye, Mid waa 23 jir kan kalena 32 jir.

Labaduba waxaa laga soo qabtay deegaanka Soko ya Roba ka dib markii dadka deegaanka ay sheegeen in ay ka danbeeyeen falal dhac xatooyo oo ka dhacay degaanka.

Booliska ayaa kusoo qabtay Ragaan iyagoo ku hubeysan qori AK-47 ah oo ay ku jiraan saddex qansado oo faaruq ah iyo mid ay ku jiraan ilaa 27 xabbadood.

Labaduba waxay wajihi doonaan eedaymo la xiriiraa xatooyo iyo gacan ka hadal iyo diiwaan gelin shisheeye oo ka soo horjeeda qaybta 68 ee xeerka ciqaabta dalkaasi Kenya.

Diiwaangelinta noocan oo kale ah ayaa ku badan gobolka, iyada oo qaar badan aysan ka warqabin cawaaqibkeeda sharci ee ma dhalan kara marka ay Ciidan ahaan uga qortaan dal aan koodi  ahayn.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News