SO | EN

SO | EN

Booliska Laascaanood oo qabtay haweeney ninkeeda ku dishay toorey

|

LAASCAANOOD (Kaab TV) – Ciidamada booliska Laascaanood ayaa sheegay inay soo qabteen haweeney dishay ninkeeda ka dib markii uu muran uu dhexmaray.

Booliska ayaa sheegay in haweeneyda lagu eedeynayo inay ku dishay toorey.

“Ciidanka Booliska Caasimada Laascaanood wuxuu hawl gal uu sameeyey kusoo qabtay eedeysanad Aamina Axmed Maxamuud ina Faadumo Ismaaciil 26 Jir ah Taas oo Subaxnimadii hore ee saaka Mindi ama Toorey ay ku dhufatay uu u geeriyooday Saygeedii (Ninkeedii) Marxuum Khaalid Cali Xuseen oo ay ku wada noolaayeen Laascaanood,” ayaa lagu yiri war lagu baahiyay barta booliska ee SSC-Khaatumo.

Booliska ayaa intaa ku daray in haweeneydan  ay wajihi doonto Laamaha garsoorka iyo cadaaladda dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Dadka Laascaanood ayaa aad uga argagaxay dhacdadan oo si weyn loogu hadalhayay baraha bulshada.

Bishii hore waxay booliska Laascaanood qabteen 24 nin oo dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay kufsi wadareen u geysteen labo gabdhood oo walaalo ah, kuwaasoo ka mid ahaa dad kasoo barakacay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Kooxda dhallinyarada ayaa weli ku xiran saldhigga booliska, waxaana mudaaharaadyo ka dhashay falka kufsiga ay sababaeen dhimashada ugu yaraan hal ruux markii dad careysan ay ka keceen warar sheegaya in mid ka mid ah dadkii kufsiga geystay ay booliska si ku meel gaar ah u siidaayeen.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabduqaadir Aw-Cali Firdhiye ayaa sheegay inay ahayd khalad in lasiidaayo eedeysanaya, wuxuuna sheegay in caddaaladda ay wajihi doonaan dhammaan eedeysanayaasha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News