SO | EN

SO | EN

Booliska Muqdisho oo gacanta kudhigay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay

|

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay degaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabteen Gaari nuuciisu yahay Leylo calawi (Land cruiser) kaasoo lagu soo raray waxyaabaha Qarxa.

Waxaa uu intaas ku daray in sidoo kale la qabtay ninkii watay gaarigaas oo sidii kale laga soo saaray gudihiisa 10 caag oo ay ka buuxeen budada loo adeegsado qaraxyada ee loo yaqaano TNT

Dhanka kale, afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay gaarigaas la doonayay inuu lagu halaago Shacabka caasimadda Muqdisho balse nasiib wanaag ay ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen xalay fiidnimadii.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News