SO | EN

SO | EN

Booliska oo soo xiray Aabe si arxan darro ah u dilay wiilkiisa

|

Muqdisho (Kaab TV)– War Qoraal ah oo kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu cadeeyay in howlgal ciidamada amaanka xalay kafuliyeen degmada Cabdicasiis kaas oo lagu soo qabtay eedeysane Maxamed cali Cilmi oo ku eedeysan in uu mindi ku dilay wiilkiisa oo ahaa 6-sanno jir.

Maxamed cali Cilmi oo kujira da’da 45-jirka ayey ciidamada amaanka kuraad joogeen soo qabashadiisa ugu dambeyn waxaana gacanta kusoo dhigay ciidanka saldhiga degmada Cabdicasiis Maxamed cali Cilmi oo degmada Heliwaaa toorey kudilay wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Cali Cilmi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Aabe Maxamed Cali Cilmi uu xanuunsan yahay, isla-markaana uu qabo xanuun dhimmirka ah.

Hasayeeshee dadka deegaanka ayaa argagax kamuujiyay dhacdadaan waxaana si ween loogu baahiyay baraha bulshada halkaas oo ay dad badan uga falceliyeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News