Muqdisho (Kaab TV)– Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax xooggan oo maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Dhawaaqa jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay inta badan caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ahaa mid gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa, kuna qarxay aagga Muqdisho Mall ee degmada Xamarweyne.
Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay in qaraxaan uu ka dhashay khasaare kooban, kaasi oo ku eg gubashada gaariga lagu soo xiray qaraxa.
“Maanta 17/May/2023, abaare 01:00 Duhurnimo, ayaa qarax qof muwaadin ah loogu xiray gaarigiisa oo nuuciisu yahay Surf, kaas oo ka dhacay Degmada Xamar-weyne agaagaarka Muqdisho Mall,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.
Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska “Muwaadinkii lahaa gaariga wuu nabad qabaa, ma jiraan wax qasaare ah oo kale marka laga reebo gubashada gaarigii dab ka dhashay qarxay.”
Mana jirto illaa haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, oo Booliska uu sheegay in gaari qof muwaadin ah lagu xiray, inkastoo inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay qaraxyada ka fuliso kooxda Al-Shabaab, oo dagaal culus uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka.
Dhanka kale majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Kooxda Al-Shabaab maadama qaraxyada noocan camal ah looga bartay iyaga in ey ka fuliyaan magaalada Muqdisho.
Hasayeeshee, arrimahaan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay amniga Muqdisho, ayna bulshada caasimada ka nasteen qaraxyada iyo falalka amni darro, kadib howl-galo isdaba joog ah ay ciidamada kala duwan ee ammaanka ay ka sameynayeen caasimadda.