SO | EN

SO | EN

Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay rag ka danbeeyay kufsi gabar 13- jir ah.

|

Garoowe (KAAB) Howlgal joogta oo ay  fuliyeen ciidanka amniga Puntland ayaa la sheegayaa in ay u suurtagashay in gacanta ay soo dhigeen mid ka ah rag kufsi ka gaystay magaalada Garoowe.

War ka soo baxay booliska Puntland ayaa lagu sheegay in la hayo rag loo haysto  kufsiga gabar 13 ah oo ka mid ahayd qoysaska barakacyaasha ee ku nool magaalada Garoowe .

“Waxay ciidanku gacanta ku dhigeen mid kamida eedaysanayashii falkaas gaystay waxana lagu raad jiraa cid kasta oo falkaas ku lug lahayd waxana la horgaydonaa sharciga iyo maxkamada” ayuu yiri Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka NugaalG/sare Maxamed Cali Marduuf.

Taliyaha qaybta boliska G/nugaal ayaa warbaahinta iyo bulshada u sheegay in cid kasta oo fal Denbiya gasha aysan marnaba  gacanta booliska iyo sharciga ka bax san doonin.

“Waxaan cidkasta oo falalkaas ku hawlan ugu baqaynaa inay kawaan toobaaan, Waxan shacabka ka codaan inay si buuxda noogalashaqeeyaan xoojinta iyo ka hortaga waxyaalaha bushada iyo deegaan dhibaatada ku ah.

Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 13 sano jir ayaa shalay  aroortii hore si daran loogu kufsaday xero barakacayaal oo ku taalla duleedka magaalada Garoowe.

Rag hubaysan oo ku lebbisan tuutaha ciidamada ayaa aroornimadii hore guriga ugu galay qoyska gabadha oo qoryo ku qabtay kadibna hortooda ku kufsaday gabadha yar.

 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News