SO | EN

SO | EN

Booliska Puntland oo ku eedeeyay PSF inay weerar ku qaadeen booliska (Video)

|

GAROOWE (KAAB TV) – Taliska Booliska Puntland ayaa ku eedeeyay ciidamada PSF ee hoostaga Asad Cismaan Diyaano inay ks danbeeyeen labo weerar oo Talaadadii iyo Arbacadii ka dhacay Boosaaso iyo Garoowe.

Labada dhacdo ayaa sababay dhimashada ugu yaraan hal askari iyo dhaawaca dhowr qof.

Taliyaha Booliska Puntland, Jeneraal Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in Arbacadii ciidanka PSF ay weerareen saldhigga booliska Boosaaso halkaasoo dad ku xiran laga siidaayey.

Taliyaha wuxuu sheegay in Talaadadii ciidanka PSF ay rasaas ku fureen ciidan boolis ah oo doonayay inay xiraan xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeedda.

“Waxaan madaxweynaha Puntland u sheegaynaa in xaaladdan aan ku shaqeyn karin ciidanka booliska,” ayuu yiri Jeneral Muumin oo ka codsaday Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Dhanka kale, war saxaafadeed ay soo saareen ciidanka PSF, ee Mareykanku tababaray, ayay ku sheegeen in taliyaha booliska “eedeyn aan sal iyo raad lahayn u jeediyay ciidanka PSF”.

PSF waxay sheegtay in dhacdada Boosaaso aysan ahayn amar kasoo baxay ciidanka PSF, iyagoo sidoo kale sheegay in dhacada Garoowe ay ka dhalatay “fal lagu afduubay afhayeenka ciidanka PSF”.

Shaqaaqooyinkan dhanka amniga ayaa imaanaya iyadoo maalmahan warbaahintu hadalhaysay in Jeneral Asad Cismaan Diyaano, oo ah ninka gacanta ku haya ciidanka PSF, oo ku sugan Muqdisho uu kulamo la yeelanayay madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasoo waayadan khilaaf kala dhexeeyo Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News