SO | EN

SO | EN

Booliska Puntland oo soo bandhigay rag sameeyey kiis ka yaabiyey

|

Boosaaso (Kaab TV)– Taliska ciidanka booliska gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyey in lasoo xiray afar qof oo saacadihii lasoo dhaafay oo baraha bulshada qabsaday arrin ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso.

Taliyaha booliska gobolka Bari ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ay ku soo qabteen afartaas qof oo u bareertay inay u dhacaan guri ay degaan reer danyar ah.

“Dhacdadaas waxay salka ku heysaa dad isku caayey Tiktok, dhacdadaan markaan ogaanay waxaan howlgelinay booliska ka howlgala Boosaaso,” ayuu yiri G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir.

Wuxuu sheegay in dhalinyarada lasoo qabtay ay qirteen inay sameeyeen kiiskaas, maadaama ay muuqaalo iska duubeen, isagoo balan qaaday in qirashadooda ay maxkamad ku geyn doonaan.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari ee Puntland G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan bulshada ugu bishaareynayaa in sharciga aan hor keeni doono dhamaan dadkii reerka ku sameeyey qalqal gelinta aad baraha bulshada ka aragteen.

Afar wiil oo dhalinyaro ah ayaa loo soo bandhigay warbaahinta, “Waxaan cid kasta uga digeynaa inay sameyso qalqal gelin amni, ka boolis ahaan go’aan adag ayaan ka qaadanay wixii amniga liddi ku ah,” ayuu yiri.

Dadkaas ayaa lagu baahiyey bara bulshada iyagoo dil ugu hanjabaya reerka ay gurigooda ugu dhaceen saqdii dhexe ee xalay, waxaana sii maqan qof kale oo boolisku uu ku raad joogo, sida uu sheegay taliyuhu.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News