Bardaale(KAAB TV)- Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa degmada Bardaale ee gobolka Baay waxa ay ka qaadeen toban isbaarooyin oo sharci darro ah, halkaasi oo ay lacago baad ah uga qaadan jireen gaadiidka iyo dadka deegaanka.
Taliyaha Saldhiga Booliska Gobolka Baay ee Degmada Bardaale, Amiin Madruur, ayaa ku nuux-nuux saday inaysan u dulqaadan doonin isbaarooyinka la dhigto, isla-markaana ay tallaabo cad ka qaadi doonaan.
Wasiirka Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed oo dhawaan booqasho ku tagay degmada Bardaale ayaa sheegay in isbaarooyinkaasi la qaaday si guul ah.
“Maleeshiyaadkii isbaarooyinka dhiganayay qaarkood waa ay isa soo dhiibeen, qaarna waa ay isaga carareen degmada, waxaan ugu baaqayaa in ay isa soo dhiibaan, looma dulqaadan doono isbaarooyin dambe”ayuu yiri Wasiir Xasan Cabduqaadir.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa howlgallo lagu burburinayo isbaarooyinka sharci darrada ah waxa ay ka wadeen degmada Bardaale kadib cabasho ka timid dadka deegaanka iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha.