MUQDISHO (KAAB TV) -Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku soo dhigay Shariif Maxamed Axmed oo loo heysto dilka C/fitaax Cabdi Cismaan (Carab) oo ka tirsanaa shaqaalaha TV-ga Astaan iyo ciyaaryahankii hore ee Qaranka, kaasoo subaxnimadii Axada lagu dilay magaalada Muqdisho.
Booliisku waxay ku daabaceen sawirka iyo magaca tuhmanaha website-kooda rasmiga ah balse ma aysan shaacinin tafaasiil ku saabsan sida iyo halka uu ka dhacay xariga. Maamulka ayaa xaqiijiyay in Shariif Maxamed Axmed la horgeyn doono maxkamad awood u leh si uu u wajaho cadaaladda.
C/fitaax Carab oo la shaqeynayay TV-ga Astaan ayaa la dilay xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo, sida lagu sheegay war ka soo baxay Telefishinka. Sidoo kale waxa uu ahaa ciyaaryahan caan ah, waxa uu soo noqday kabtanka kooxda Saxafi Fc, waxaana uu u soo ciyaaray kooxo waaweyn oo Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Elman iyo Banaadir Telecom. Wuxuu sidoo kale dhowr jeer matalay xulka qaranka Soomaaliya.
“Waxaan murugada la wadaageynaa dhammaan shaqaalaha, qaraabada, iyo qoyska Cabdifitaax Cabdi Cismaan (Carab), oo ah cayaaryahan heer qaran ah, xubin qiimo lehna ka ah kooxda Astaan TV,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Astaan TV.
Bahda Isboortiga iyo Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyay dilkaasi, iyagoo ku tilmaamay fal arxan darro ah oo loo geystay shaqsi ka tirsan bulshada Soomaaliyeed oo u adeegayay warbaahinta iyo qeybaha isboortiga Soomaaliya.
Dilkan ayaa caro badan ka dhaliyay guud ahaan baraha bulshada iyo ururada bulshada rayidka ah, kuwaasoo ugu baaqay dowladda inay xoojiso ilaalinta saxafiyiinta iyo dadka wax galka u ah bulshada ee ku shaqeeya xaaladaha kacsan.