Muqdisho (KAAB TV) -01 June 2025 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa si kulul u cambaareeyey xariga Ismaaciil Khaliif Axmed oo ah agaasimaha iyo aasaasaha Radio Wanlaweyn FM oo Jimcihii 30-kii May lagu xiray magaalada Wanla-Weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyo sidoo kale falkii Sabtidii 31-kii May lagu dilay saddex wariye oo ka kala tirsan TV-ga RTN iyo Shanta Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Muqdisho.
Habeenimadii jimcaha ee 30-ka May, ayaa ciidamo hubaysan oo ka tirsan Saldhiga Degmada Wanla-Weyn waxa ay weerareen FM-ta sida gaarka ah loo leeyahay ee Radio Wanlaweyn, waxayna xireen Agaasimihii Idaacada Ismaaciil Khaliif Axmed. Xarigga ayaa ka dambeeyay markii ay idaacaddu daabacday warbixin bannaanka soo dhigtay “lacag-bixino ay maamulka degmada Wanla-Weyn ka dalbadeen bulshada deegaanka” oo lagu eedeeyay in ay maalgelinayaan dhismaha Isbitaalka Wanla-Weyn. Sida lagu sheegay warbixinta hadda la tirtiray ee Radio Wanlaweyn Fm barteeda Facebook-ga, dadka deegaanka ayaa ka gaabsaday in ay lacag bixiyaan, sababtoo ah waxay waayeen kalsoonida maamulka degmada.
Ismaaciil oo la hadlay SJS, ayaa xaqiijiyay in lagu xiray amarka Taliyaha Saldhiga Degmada Wanla-Weyn Isaaq Cabdulle iyo Gudoomiyaha Degmada Cabduqaadir Maxamed. Waxa lagu xidhay qol boolis ah, halkaas oo hanjabaad iyo su’aalo lagu weydiiyey.
Ismaaciil waxa uu sheegay in looga digay “in uu xabsiga ku sii jirayo haddii aan warbixinta la dejin oo raaligelin dadweyne laga bixin”. Sidaas darteed, Idaacadda Wanlaweyn FM ayaa meesha ka saartay warbixintii ku saabsanayd lacagaha qasabka ah iyo sidoo kale warka sheegaya in Ismaaciil la xiray.
Markii SJS ay weydiisay sababta sidoo kale loo tirtiray warbixinta ku saabsan xariga Ismaaciil, Ismaaciil wuxuu xaqiijiyay in booliisku ay si gaar ah u dalbadeen in meesha laga saaro.
Taliyaha Booliska Isak Cabdulle iyo Guddoomiyaha Degmada Cabduqaadir Maxamed ayaa ku guuldareystay inay ka jawaabaan su’aalaha SJS.
Cabdulle ayaa lagu soo waramayaa in uu ka tirsan yahay ciidamada Midowga Yurub ee uu tababaray ciidamada Daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed. Degmada Wanla-Weyn oo ka mid ah 8-da xaafadood ee ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa weli ah magaalo colaadeed oo ku taalla wadada xiriirisa Afgooye iyo Baydhabo. Deegaanka ayaa waxaa ku soo noq noqday dagaal beeleedyo u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo iyadoo ay kordheen rag hubeysan oo isbaarooyin sharci darro ah dhiganaya, waxaana weli socda dhaq dhaqaaqyo ay wadaan kooxda Al-Shabaab.
Dhinaca kale, Arbacadii 28-kii May, ciidamada Haramcad ee uu Turkigu tababaray ee ku sugan degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa beegsaday saddex wariye oo kala ahaa Nuux Faarax Mahad (weriyaha RTN TV), Maxamed Cabduqaadir (cameraman, RTN TV), iyo Maxamed Cabdi Xasan ( wariye, shan Soomaali TV).
Saxafiyiintan ayaa waxa ay tabinayeen dibad bax ay dhigayeen odayaasha deegaanka oo laga reebay diiwaan gelinta codbixiyayaasha ee dhawaan dowladda Federaalka ay ka bilowday magaalada Muqdisho. Sida ku cad waraysiyo ay SJS samaysay, wariyeyaasha ayaa la weeraray wax yar ka dib markii ay ka soo baxeen shirka jaraa’id ee odayaasha.
Ciidamada Haramcad oo hubeysan ayaa muddo saacad ku dhow xabsiga u taxaabay wariyeyaasha, iyagoo u hanjabay, kana dalbaday inay ku wareejiyaan qalabkooda. Koox odayaal beeleed ah ayaa soo dhexgalay, taasoo u ogolaatay saxafiyiinta inay baxsadaan.
Dhacdo kale oo dhacday 26-kii Maajo, ayaa waxaa isla degmada lagu weeraray wariyeyaal ka kala socday xarumo kala duwan, xilli ay ka warbixinayeen afduubka la sheegay in Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) uu u geystay shaqaale deegaanka ah.
Xoogsatada oo u badnaa xamaali iyo dhismayaal ayaa markii hore loo sheegay in shaqo loo fidin doono, balse la xiray oo si qasab ah loo diiwaan galiyay codbixiyeyaal.
Suxufiyiinta, ayaa waxay sheegeen in lagu khasbay inay baxsadaan, markii dabley ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ay ku weerareen bastoolado. Isla maalintaas, TV-ga RTN ayaa soo sheegay in xiisaddu ay sii korortay, iyadoo booliisku ay guri guri u galeen degmada Kaxda, taasoo ku qasabtay dadka deegaanka inay isu diiwaan geliyaan codbixiyeyaal.
Dhacdo midkan la mid ah ayaa ka dhacday Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo saxafiyiinta loo hanjabay lagana qaatay qalabkii ay wateen, xilli ay suuqa weyn ee magaalada ku uruurinayeen cadeymo muujinaya in si qasab ah loo diiwaangeliyay codbixiyayaasha. Saxafiyiinta ayaa sheegay in waratada waratada iyo dukaamada ay kaxeysteen ciidamada NISA ayna ku qasbeen in ay iska diiwaan galiyaan codbixiyeyaal iyaga oo aan raali ka aheyn.